10 musharax oo dhammaantood ka mid ah Xildhibaannada Baarlamaanka Soomaaliya, islamarkaana kasoo jeedda Koonfur Galbeed ayaa ku tartamaya Xilka Afhayeenka cusub ee Golaha Shacabka, waxaana goordhow bilowday wareega koowaad ee codeynta.
Sidda uu Sharcigu qabo waxaa mid mid loogu yeerayaa xildhibaanada Golaha Shacabka si ay u codeeyaan ka dib Codadka ayaa la tirin doonaa.
Kulanka baarlamaanka ayaa waxaa soo xaadiray 262 xildhibaan.
Musharaxii hela 50+1 ayaa ku guuleysan doona wareegga Koowaad Gudoomiyaha Golaha Shacabka, hadii Musharaxiinta Midna heli waayo waxaa loo gudbi doonaa Wareegga Labaad.
Xildhibaan Aadan Madoobe oo hore usoo noqday Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya ayaa ka tanaasulay tartanka wuxuuna sheegay wuxuu sheegay in uu arkay in booska looga hareeyo wuxuuna raali galiyay Xildhibaanada taageersanaa isago ugu baqay in ay isticmalan qorshohodi labad oo la amin san yahay in lidi ku noqon doono Xukuumada.