(Aaway Amnigii?) Anshax xumada & Amni darrada Ciyaal Weero oo faraha ka baxday!

Reading Time: 3 minutes

 Runtii waa cabsi in maanta degmooyinka qaarkood ay joogaan xaalad argagax leh oo ay shabaab u qeylo dirsadaan. Waxay haystaan buug ay kuu fiirinayaan oo waxa laguugu xukumayaa waxa kuu soo baxa. Haddii shabaab uu cabsidaas meesha ka saaraana waa dhaawac weyn oo dowladnimada soo gaaray.

Cali Geedow  oo Kaaraan deggan ayaa leh :Waa dhab nin ku dilaya ama ku dhacaya sida Ciidanka Dowladda, shabaab ama ciyaal weero kan kaa celiya ayaa kaa xiga Shabaab ama khawaarij kuu doono ha noqdee”

Dowladda waxay lumisay degmooyinka Xamar qaarkood oo cid waliba cidda ay ka xoog badan tahay ayey dhacdaa, dishaa kana qaadataa waxay rabto, mana jirto cid looga dacwoodo.

Sidoo kale waxaa soo baxay hab dhaqanno aan horay loogu arag dad muslim ah oo la isku khasbo inay kala zineystaan, ama laga jaro ragga xubinta taranka, kuwa kalana Saliid inta loo keeno batariga waaweyn ee tooshashka dabada laga geliyo, haween  dharka laga furo oo iyagoo qaawaan lagu khasbo inay jidka weyn marto.

Xaqiiqdii waa cibaaro cusub oo aan horay loo arag , dadkuna waxay is weydiinayaan:

  1. Ciidankii Boliiska ee tirada intaa la’eg mushaar ku qaata?
  2. Aaway kii NISA ee beryahan la hadal hayey oo waxay awoodi waayeen inay caruurtaas iyo tuugada ku gabbaneysaa wax ka qabtaa?
  3. Aaway culimadii iyo cuqaashii ay degaannada dhiban ka soo jeeday? Aawaysa xildhibaanadii dadka waqooyiga muqdisho qabiil ku matalaya?

Waxaasa intaas ka sii xun aaway maamulkii degmooyinka, aaway maamulkii Gobolka Banadir, aaway wasiiradii Amniga iyo arrimaha gudaha, aaway R/ waasrihiii dalka, ugu dambeysa aaway Madaxweynihii dalka? Misa waa ogyihiin dhibtaan ee kala ma jecla?

Haddaan dowladdu dalka wax ka qaban dhibaatadaan waxaa imaneysa maalin ay dadka wax ka qabtaan dhibaatadooda dowladdana ay meesha ka baxdo.

Horaba waxaa marnaanta dowladnimad uga faaiideysanaya oo la soo dhaweynayaa Kooxadii ay dowladdu lahayd waa khawaarij waana la dagaaleynaa oo ku baaqay inay wax ka qabanayaan oo hanjabaadooda oo kaliya ayaa ku filan.

Maxay ku dhacday in ciyaal weero ay ka jiraan degmooyinka Kaaraan, Yaaqshiid, Huriwaa, Dharkeynley iyo wadajir meelo ka mid ah? Yaa dega degmooyinkaas? Waxaa ugu badan waa hal reer. Haddaba Xamar waxay u baahan tahay dib u xoreyn oo ma dhaanto degmooyinka ay shabaabku haystaan.

MW Xasan sheekh iyo RW Xamza oo Xamar guddoomiye uga dhigay wadaad aan waxbaran ee oday dhaqameed ah oo ku leh xoolihiina aan sida khaladka ah u gowracnay waxaan ka magdhabeynaa isla canshuurtii aan idin kaga qaadnay inaan xoolaha idiinn ilaalino, tan oo runtii muujineysa heerka uu hogaamin iyo garasho maamul ka joogo. Ma garan karo sida cidda meesha ku haysaa ay saafi uga noqon karto habdhaqankiisa iyo dembiyada uu xafiiska ku galo, waayo dadku haddii ay soo dooran lahaayeen iyagaa iska tuuri lahaa oo maantaba ma joogeen.

Haween iyo Rag si khasab ah la isugu galmoodsiiyo si loogu maadeysto, kuwa batari dabada laga geliyo oo waliba la yiraahdo waa loo naxariistay oo batariga saliid macsaro ayaan ka marinnay, saacad, telefoon, boorso iyo bac toona lama qaadan karo, cunto in la soo iibsadaa waa in qori cabeysan ama bistoolad horay loo sii qaataa loona jeedaa si lagaaga cabsado ayuu yiri ruux Sanca deggan.

Haddaba intee ayey dadkaan ku sii jiri karaan xaaladdaan? Sideesa loog celin karaan inay degmooyinka kale ku fidin waayo waxa wax dhaca caruur kaliya maaha ee rag bistoolado iyo hub casri ah wata.

Taliyahii hore ee boliiska ayaa lagu xaman jiray inuusan kala jecleyn waxa Xamar ka dhacayaa oo dadka wax soo gaaraan ma kala yaqanno, waxna isaga uma ahan kan hadda la keenayna ma waddadaas ayuu ku joogaa?

Xamar waa inay hogaankeeda, Boliiskeeda iyo golaheeda degaanka degdeg u doorataa si ay u hesho maamul karti, dareen hoose iyo aqoon u leh inay wax ka qabtaan dhibaatooyinka ku dhacaya dadkooda. Sidoo kalana waa inay degdeg isu abaabulaan oo iska qabtaa Ciyaal Weerada, Tuugada hubeysan iyo kuwa ku adeeganayaa ee awoodda ku haysta xafiisyada. Waayo sida uu horay u sheegay Salaan Carrabey : “Nin Dharbaaxo Quureed Dugsaday Dhaqashadeed Maalye. Dhashaadey Sugtaa Xaajadaad Dhowrsataa Abide!” – Salaan Carrabey (AUN)