Ciidankii ku biiray Badbaado Qaran oo lagu bilaabay ugaarsi

Reading Time: < 1 minute

Saraakiishii & Askartii badbaado qaran oo cabsi ay soo wajahday kadib markii Maxamed Muqtaar (Deeqoow ) oo ka mid ahaa dhalinyardii ilaalada shacabka Markii danba ku biiray ciidanka Badbaado qaran meydkiisa laga helay god qashin dhexdiisa oo ku yaalla agagaarka xerada Generaal Kaahiye (School Polisiyo) .

Marxuunka ayaa markii ugu danbaysay waxaa u yeeray taliyaha ciidanka dufaan sida ay sheegeen saraakiisha ciidanka Badbaado Qaran oo warkan aad uga naxay.

Kullane Jiis & Fahad Yasin ayaa amray in la soo xiro dhammaan ciidankii ku biiray Badbaado Qaran sida saraakiil ka tirsan Booliiska aay MOL u sheegeen.