Ciidankii HARAMCAD oo khater soo foodsaartay, kadib markii Kheyre iyo Sadiq Joon ku dhex darsadeen Saraakiil Shabaab ah.

Reading Time: 2 minutes

Ciidamadaan oo howlgallo gaar ah oo qorsheysan ka fuliya magaalada Muqdisho ayaa lagu magacaabaa Haramcad, waxaana taliye looga dhigay Sarkaal kamid ah ciidamada ay tababartay dowladda Turkiga halka ay ku xigeen ka dhigeen Kheyre iyo Sadiq Joon ninka lagu magacaabo Farxaan Qaroole oo kamid ah Saraakiisha ka hoos shaqeeyey Saadaq John iyo Ra’iisul Wasaare Xasan Cali Kheyre si uu ugu gudbiya sirta ciidanka iyo hawlgalladooda Shabaabka.
Ciidanka ayaa waxaa soo foodsartay cabsi xooggan oo waxay ka baqayaan in qorshayaashooda howlgaleed loo gudbiyo Shabaabka kadibna dhexda loo galo. Waxaana tuhumada weyn ka mid ninka looga dhigay k/x/labaad Korneel Fanax oo ka tirsan Booliiska Soomaaliya horana u ahaa taliyaha Degmada Kaxda, taasoo hadda ka hor lagu laayey saraakiil sare oo XDS ah isagana uu yahay shakhsigii looga shakisan yahay inuu sirtaas siiyey Shabaabka.
Al-Shabaab ayaa sheegtay Mas’uuliyada weerarka qaraxaas ay ku dishay Korneel Cabdi Salaan Aadan Kurjow oo ahaa Abaanduulihii ciidanka loo yaqaano 12-ka April ee ciidanka DF, iyo Gaashaanle sare oo magaciisa lagu soo koobay Cadow iyo Saraakiil kale oo la socotay.
Haddaba ciidanka HARAMCAD ayaa waxay cabasho u gudbiyeen Taliska CiidankaTurkiga uu leeyahay Xamar oo tababaray ciidanka.
Hasa yeeshee Kheyre oo arrintaan la og Sadiq Joon ayaa ku adkeystay inaan laga noqon doonin magacaabidaas, taasina ay dhalisay Khilaaf xooggan oo soo kala dhexgalay Kheyre iyo Taliska Tababarka ciidanka ee Turkiga.
Dhinaca kale arrintaan waxay dhaawac u geysatay xiriirka Turkiga iyo Somaliya ee dhinaca tababaridda ciidanka, kadib markii Kheyre uu iska dhega mariyey warbixin ay sarakiisha Turkiga soo weydiiyeen cabashada ciidanka iyo cabsidooda ka dib.
Dhinaca kale ciidanka ayaa loo isticmaalay si khaldan, iyadoo lagu fushaday dano gaar ah.
Hadda Waxaa khilaaf xoog leh uu ka dhax jiraa dowladda Soomaaliya iyo taliska tababarada dowladda Turkiga ee saldhiggooda magaalada Muqdisho khilaafkaas oo dibadda usoo baxay maalmihii ugu dambeeyay.
Khilaafkaan ayaa u dhaxeeya RW Kheyrre, iyo Sarkaalka Turkiga u qaabilsan arimaha tababarada iyo ciidamada kaas oo sidoo kale ugu sarreeya xarunta tababarada ee dowladda Turkiga ku leedahay magaalada Muqdisho.
Waxaa hadda hakad ku jira tababaridda Ciidanka oo dawladda Turkiga waxay soo celisay ciidan tababar loogu geeyey.