Ciidamada Al Sunna oo qaar ka mida ku sugnaa degaanka ka baxsane magaalada Dhuusamareeb halkaas oo ay kula dagaalayeen kooxaha Al Shabaab ayaa caawa lagu amray in u soo dhaqaaqaan dhanka iyo dhuusamareeb.
Deeganada lagu amray in ay ka soo dhaqaaqaan Ciidanka Al Sunna ayaa waxa ka mida degaanka Qalaanqal.
Lama oga sababta xiligaan loo amray in Ciidanka Al Sunna u soo dhaqaaqan dhanka iyo Dhuusamreeb laakiin waxaa la sheegayaa in ay la xiriirta wararka sheegaya in Xasan Kheyre uu u soo wado Dhuusamareeb ciidan uu doonayo in uu halkaas ku qabaado.
Magaaalada Dhuusamareeb ayaa caawa waxa ka jira xiisad keeni karta in uu dagaal la dhaco halkaas.