Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed oo Maalmihii Dambe Howlgallo qorsheysan ka waday degaanno ka mid ah Shabeellada hoose ayaa waxay ku guuleysteen in ay soo saaraan Miinooyin Al-shabaab ay ku aaseen Waddada isku xirta Dhanaane iyo Jilib Marko.
Howlgalladan oo ka dhacay degaanno ay ka mid yihiin, Dhanaane, Genershe iyo Jilib-marko ayaa waxay Ciidamadu ku dileen 18 ka tirsanaa Dagaalamayaasha Al-Shabaab iyo Saraakiil .
Taliyaha Guutada 1-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliya Jeneraal, Axmed Aadan oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in howlgalka qorsheysan ee Ciidamada Xoogga Dalka halkaasi ka fuliyeen ay kusoo saareen Miinoyin Al-shabaab ay ku aaseen Waddada hareeraheeda, si ay Shacabka iyo Gaadiidkoodaba ugu dhibaateeyaan.
Jeneraal, Axmed ayaa sheegay in Al-shabaab looga guuleestay howlgallada ka socda Dhulka Xeebta ah, isla markaana ay Ciidamadu dib u fureen Waddooyinka ay go’doomiyeen dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab.
Dhawaan degaanka Dhanaane ee Gobolka Shabeellada hoose waxaa booqday Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed S/gaas, Daahir Aadan Cilmi (Indha qarshe) isagoo Ciidamada halkaasi ku sugan ku dhiirri geliyay inay sii Laba laabaan dedaalkooda ku aaddan sidii ay Dalka ugu xoreyn lahaayeen Al-Shabaab.