Ciidanka Xoogga Dalka oo ka soo baxaya furimaha dagaalka mushaar la’aan darteed

Ciidamada XDS oo aay soo food saartay dhaqaale xumo iyo mushaar la’aan ayaa waxaa saraakiil ka tirsan Ciidanka XDS aay u xaqiijiyeen MOL in aay maalmaha soo socda ka soo bixi doonaan furimaha dagaalka haddii aan lala soo gaarin raashiin iyo mushaarkooda.

Dowladda Soomaliya ayaa ku guuldareysatay in ay bixiso Mushaaraadka Ciidanka iyo quudintiisa ciidanka, arintaas oo wiiqday dagaalkii Ciidanka dowladda ay kula jireen xarakada Al-shabaab, sidaa waxaa daabacday Wakaaladda wararka ee Reuters.

Afartii Bil ee la soo dhaafay Al-shabaab waxaa ay dowladda iyo AMISOM ka qabsadeen magaalooyin ku yaallo Shabeelaha hoose.

Waxaa cabsi aad u weyn laga qabaa in Al-shabaab dib u qabsadaan dhamaan dhulkii laga qabsaday 2011-kii wixii ka dambeeyay cabsidaas oo salka ku haysa mushaar la’aan darteed ay ciidanka goostaan, isbaaro dhigtaan, Laaluush qaataan ama xitaa dagaal gali waayaan oo aay soo baneeyaan furimaha dagaalka.

Arintan ayaa walaac iyo walwal kale dhex dhigtay dowladda Soomaaliya iyo Deeq bixiyaasha caalamiga gaar ahaan Mareykanka iyo Yurub, kuwaas oo la sheegayo in lacag badan ku bixiyeen dagaalka ka dhanka ah Al-shabaab.

Mushaaraadkii ciidanka iyo lacagtii quudinta ciidanka ayaa waxaa meel loo dhigtay in lagu galo doorashooyin, halka muhiimadda la siin lahaa sidii cadowga looga xoreyn lahaa dalka, waxaa sidaa yiri G/Sare Cabdulqaadir Maxamed Osoble oo ka mid ah saraakiisha ciidanka XDS ee ka howlgala gobolka Shabeelaha Hoose.

Xayeeysiin