Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaraya Gobolka Galgaduud, Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed ayaa goor dhow si buuxda ula wareegay deegaanka Cali Yabaal oo hoos taga degmada Ceeldheer ee gobalka Galgaduud.
Qabsashada degaankaan ayaa waxa uu wadada u sii xaarayaa dagaalka lagu xureeynayo magalaada Ceelbuur oo hada noqotay xarunta ay hada isku bahaysteen kooxaha nabad-diidka ah ee Al Shabaab inay si wadajira u difaacdaan.