Ciidanka Xoogga Dalka ee Kumaandoosta Gorgor oo la wareegay degaanka Budbud

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Xoogga Dalka ee Kumaandoosta Gorgor ayaa si buuxada ula wareegay gacan ku haaynta degaan dalxiiseedka Budbud ee Gobolka Galgaduud kadib markii aay halkaas iskaga baxeen kooxada Al-shabaab oo mudo dheer ka tali-jirtay.

Sido kale Ciidanka Xoogga dalka ayaa la wareegay degaanka Cowswyne oo isla Galgaduud katirsan saacad kahor sidu warbaahinta u sheegay khalif Macalin Nuur oo kamid ah saraakiisha xoogga dalka.

Gulufka ka dhan kooxada Al-shabaab ee galmudug ayaa kusii dhawaanayo Degmooyinka Muhiim ah Ceelbuur iyo galhareeri oo ah magaalooyinka aay kooxada bartamaha kaga hartay aydoo Ciidamada Dowladda dhowr jiho kaga sii socodaan.