CIidanka Xooga Dalka oo qaaday howlgalo ka dhan ah xubno ka tirsan Al-Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo ka tirsan kuwa xoogga dalka Soomaaliyeed gaar ahaan kuwa Kumaandooska DANAB qeybta 4aad Guutada 16-aad  waxaa ay howlgal qorsheysan ka sameeyeen deegaan ka tirsan Gobolka Shabeellaha Hoose.

Saraakiisha ciidamada hoggaamineysay ayaa sheegay in howlgalka ay ciidamada xoogga dalka ee Kumaandooska DANAB ay ka sameeyeen degaanka Caliyoow Baaroow kaas oo uu ujeedkiisa ahaa  burburinta goobo ay ku sugnaayeen Ururka Al-Shabaab laguna guuleystay.

Sidoo kale, Saraakiisha ayaa sheegay in howlgalka ay sameeyeen ay kusoo qabteen 4 dagaalame oo ka tirsan Al-haabaab, kuwaas oo xuseen inay dhibaato ku haayeen Bulshada.

Ugu dambeyn, Saraakiisha ayaa tilmaamay in howlgallada ay sameenayaan ay halkooda ka sii wadi doonaan illaa inta ay Ururka Al-shabaab ka ciribtirayaan meelaha ay kaga sugan yihiin deegaanada iyo degmooyinka Gobolka Shabeellaha Hoose.