Ciidamada xooga dalka ayaa maanta u dabaal dagaya Xuska 12ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka waxayna sanadkaan u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.
12-ka April sanadkii 1960-kii ayey ahayd markii la aas aasay ciidanka Xoogga dalka Soomaaliyeed, waxaana ka soo wareegtay 58 sano.
Maanta ayaa munaasabdo loogu dabaal dagaayo aas aaska ciidanka xooga dalka oo 58 sano jirsaday lagu qabanayaa magaalada Muqdisho.
Taliyaha Ciidanka Asluubta Soomaaliyeed Sarreeye guud Bashiir Maxamed Jaamac Keynaan, ayaa Hambalyo ku aadan Xuska 12ka April oo ah maalintii la aas aasay Ciidanka Xoogga dalka u diray Taliskaasi, waxayna sanadkaan u dabaal degayaan sanad guuradii 58 aad.