Ciidanka XDS ee gadoodsan iyo kuwa AMISOM oo laga cabsi qabo in aay ku dagaalamaan Muqdisho bannaankeeda (Daawo Video)

Reading Time: < 1 minute

Ciidankii saakay ka soo baxay furimaha dagaalka ee Gobolka Sh/Dhexe ayaa waxaa aay soo gaareen agagaarka magaalada Balcad halkaas oo aay isku hor fadhiyaan ciidan uu RW Kheyre ka soo diray magaalada Muqdisho iyo ciidan ka socda AMISOM.

Ciidanka XDS ee gadoodsan ayaa raba in aay gudaha u galaan magaalada Muqdisho, halka MW Farmaajo iyo RW Kheyre aay ka cabsi qabaan in ciidankaas aay ka sameeyaan rabshada iyaga kasoo horjeeda Muqdisho.

Waxaa RW Kheyre iyo MW Farmaajo soo food saartay cabsi aad u xoog badan oo dhanka amniga ah, waxaana gadoodsan gebi ahaan ciidanka XDS kuwaasoo qaarkood sheegaya in RW Kheyre uu masuul ka yahay gadoodkooda waxaana aay saxaafadda u sheegeen in RW Kheyre uu ka been sheegay markuu yiri “Askari aan la siin ma jiro mushaarkiisa” Ciidanka oo sheegay in laga qaaday faraha si mushaar aay u helaan taasoo aay sheegeen in aay hadda ka soo wareegtay afar (4) bilood markii laga qaaday faraha.