Ciidanka XDS oo galaayo Fal Dambiyeedyo Hadhow lagu Maxkamdeyn karo. Akhriso.

Reading Time: 3 minutes

Waxaa qof walba oo caqli leh u muuqata halka uu dalka ku socdo oo ah in dadka Somaliyeed ay qoryaha isu qaataan oo mar kale is dilaan.

Aflagaadooyinka qabiileysan ee beryahan saxaafadda iyo Baraha bulshada la isu marinayaa waa durbaan dagaal oo ku dambeyn doono inay qabiiladu markale is laayaan. Dalku wuxuu joogaa meeshii uu joogay 1988-89-90, oo waxaa uu ku dhow yahay inuu sidikiisii dagaal galay, lana sugayo xabadaha ka bilowday Gedo inay dalka oo dhan ku fidaan sidii kuwii ka bilowday waqooyiga 1988 oo ku baahay  dalka oo dhan ilaa caasimadda laga eryey Maxamed Siyaad oo haystay awood ciidan oo xoog leh, tiro ciidan oo tayo leh, lacag adag oo bangiga ceegaatay, taageero siyasadeed oo dibadeed, hasa yeeshee hal mar ayuu waayey taageerada shacboiga Somaliyeed.

Sidaas darted, maanta waxaa maalin waliba ku sii siqeynaa goortii ay qarxi lahayd xabadda. Urursashada hubka, iibsashada xabadaha iyo is diyaarinta ka socota maagalooyinka badankood waxay salka ku haysataa arrin khater ah, waana sansaan colaadeed oo ay dad badani sii garan ilaa ay dhaceydo 1991. Taariikhda aan wax ka baranno oo aan garanno jidka aynu haynaa wuxuu nagu wadaa meel khater ah oo cabsi leh.

Sawirkaan naxdinta leh waa laba walaalo ah, oo isla dhsahy oo isku jufo ah , waa laba uur hooyo ka soo wada baxay, waa laba lagu tababaray lacag misaakiinta Xamar canshuur loogu ururiyey, waxayna diyaar u ahaayeen inay dalkaooda ka difaacaan cadowga soo weeraraa laakiin inay iyaga is dilaaan oo la isku diro marna ma aysan sugeyn, waxaasa sameysay dowladda NN ee MW farmajo hogaamiyo oo is dila tiri si aan aniga u jiro. Labadaan askri ee mid nafta hangullaha u sii mareyso ama ka baxdayba iyo midka ku dul ooyaayaa waxay lala  kala safay Cabdirashiid Janan iyo Farmajo oo adeegsaday ciidanka XDS geeyey Buulo Xaawo, si ay jufadiisa reer Diini uga difaacaan jufa kale oo isla mareexaan ah.

Ciidanka XDS Somaliyeed ha ogaadeen inaysan ku liibaaneyn dilka walaalkood aan wax gef ah geysan balse loo soo adeegsaday in lagu cimri dheereysto.

Maanta ciidanka CXD waxaa hogaaminayo Jananeraal  dhallinyar oo mustaqbal fiican dalka ku leh, Gen.Odawaa waa inuu fahmo waxa dalkiisa, dadkiisa iyo dantiisa u wanaagsan oo ah inuu ciidanka ka saaro dagaallada qabiil. Rag badan oo taarikhda ku galay inay dalkooda ka badabaadiyaan kaligii taliye ayaa jira, odawaana kuwaas ayuu ka mid noqon karaa maanta waana fursad uu isaga haysto. Waayo waxa la hubaa inay kooxdaan u soo tuuri doonaan warabaha marka ay dantooda ka garaan ama ay ku arkaan wax yar oo waddaniyad ah oo uu yiraahdo ciidanka sidaan ha laga daayo.

Muuqaalkan kale waxa askari ay hooyo kaligeed soo korisay, si uu nolol u helo oo aysan bac ka sii u dilin waxay go’aansatay inay ugu duceyso inuu ciidanka XDS ka mid noqdo oo uu ugu yaraan helo qori sharciyeysan oo uu isku difaaco, dalkiisana ku difaaco, hasa yeeshee waxaa loo qaaday dagaal qabiilka mareexaan u dhaxeeya oo ciidankii qaranka la geliyey. Waxaa uu ku dhaawacmay halkaas oo dambi iyo darxumo uu ka mutay waxaanu yaallaa sagxad ay faleebo kula suran tahay. Cisbitaal ma leh, Joodari ma leh, Buste Ma leh, kuleyl iyo dhilmaayo ayaa halkaas ku haysa.

Bal akhristow ka dhig inuu yahay wiilkaaga, walaalkaa, seygaaga ama waalidkaaba waxaa dareemi lahayd  xanuun, ciil, iyo caro hasa yeeshee qof kula mid ah ayuu intaa u yahay ee la dareen xanuunka ee dowladdaan ka qeyb gal iska qabashadeeda. Ha is oran waxaa u haray waxyar, Waxkasta oo yar waxaa ka  yar dagaal oo ka degdeg badan oo caawa ayuu hoostaada ka qarxi kara ee bannaanka u soo bax oo ku dhaawaqa Madaxweyne noo naxariiso oo is casil adiga iyo Marwadaada wiilshiina Buffalo, Ameerika ayey idiin jiraan, kuwenna waxaad gelineysaa dagaal aad Marreexaan ugu kala eexaneysid.