Ciidanka Xasilinta oo ku fashilmay Amniga Muqdisho Iyo Shacabka Oo Weji Cusub Lasoo Baxaya

Reading Time: < 1 minute

 

Magaalada Muqdisho wixii ka dambeeyay dhismaha xukuumadda Kheyre waxaa jiray isbedallo la sheegay in amniga lagu sameynayo, hase ahaatee fashil ayaa muuqanaya.

Dowladda waxay shacabka ka xirtay waddooyin aad u muhiim ah, islamarkaana dadka ay si joogta ah u isticmaali jireen, iyadoo la sheegayo in laga baqayo gaadiidka is qarxiya in meelahaasi ay soo maraan.

Arrinta yaabka leh ayaa noqotay in qaraxyada gaadiidka aanay ka joogsan magaalada Muqdisho, ayna dhacaan maalin cad.

Waxyaabaha jidadka loo xirey waxay ahaayeen sida la sheegay gaadiidka qaraxyada wada ee soo dhuumanaya, hase ahaatee gaadiidkaasi meel ka xiran maleh.

Shacabka ayaa u arkay taasi fashil ku yimid dowladda Farmaajo, islamarkaana waxaa macquul ah in shacabka markaan ay dareenkooda muujiyaan.