Cutubyo aad u hubaysan oo ka tirsan ciidamada dowlad goboleedka SSC-Khaatumo ayaa saaka isku fidiyay dhulka dhoodida ah ee Gobolka Sool. Wararka ayaa sheegaya in ciidamada SSC-khaatumo ay saldhig ciidan ka samaysteen degaanka Lafa-weyne oo dhaca bartamaha dhoodida.
Ciidamada ayaa saaka sidoo kale ku sugan degaanka Jidbaale iyo dhammaan dhoodida xigta dhinaca soohdinta labada maamul ee Somaliland iyo SSC-khaatumo. Saraakiisha ciidamada SSC ayaa sheegaya in ay xaqiijinayaan sugidda amniga xuduudda maamul goboleedkooda islamarkaana aysan cidna duullaan ku ahayn.