Ciidanka Somaliland oo dib ula wareegay deegaano ay horay uga baxeen

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan saraakiisha ciidanka dalka la magac baxay Somaliland, ciidankeedii ku sugnaa bariga Laascaanood iyo wadada isku xirta Garowe iyo Somaliland inteedii kale ayaa dib ula wareegay deegaano ay horay uga baxeen.

Dagaalkii dhacay maalintii Khamiista oo ay labada dhinac ku waayeen saraakiil muhim ah ayaa u suuragaliyay Ciidamda Somaliland inay dib ula wareegaan deegaano halbowle u ahaa isku xirka ciidanka Somaliland ee ku sugan jiida hore ee dagaalka iyo Somaliland inteeda kale.

Garaadka Guud ee beesha Dhulbahante ayaa dhankiisa sheegay inay ka go’an tahay SSC in ayan dagaalka joojin ilamaa ay ciidamada Somaliland ka baxayaan degaanada ay haatan gacanta ku hayaan ee hoosyimaada Gobolka Sool.

Ciidamada SSC oo taageero ka helaya Dowlad Goboleedka Puntland ayaa ku guuldareystay inay ciidamada Somaliland ka saaraan xerada Goojacade ee ku taal duleedka Magaalada Laascaanood.