Ciidanka Somaliland oo beeniyay inay ka-soo guurayaan aaga dagaalka

Reading Time: < 1 minute

Taliska ciidanka dalka la-magac baxay Somaliland wuxuu shacabka Somaliland ku wargelinay in ay been abuur tahay wararka sheegaya in Ciidanka Qaranku ka soo guurayaan aaga dagaalka una soo guurayaan magalaada Caynabo.

War ka soo baxay Somaliland ayaa lagu sheegay in wararka la isla dhexmaraya uu yahay mid been abuur ah. “ilaa hadda Ciidanka Qaranku wuxuu ku sugan yahay fadhiyadiisii uu hore ugu sugnaa dibna ugama soo guurayo”, ayaa lagu sheegeey qoralkaas.

Waxaa intaa la raaciayay, “Taliska Ciidanka Somaliland wuxuu shacabka Somaliland ku wargelinaynaa in ay been abuur tahay wararka sheegaya in Ciidanka Qaranku u soo guurayo Caynabo. Wararkaasi waa been abuur cad, ilaa hadda Ciidanka Qaranku wuxuu ku sugan yahay fadhiyadiisii uu hore ugu sugnaa dibna ugama soo guurayo”.

“cid kasta oo faafisa warar aan jirin oo ku saabsan ciidamada qaranka somaliland waxay la kulmi doontaa ciqaab adag” ayuu lagu soo gabagabeeyay qoraalkaas.

 Xafiiska warbaahinta CQJSL

May be an image of text