Ciidanka Somaliland ee ku go’doonsan Goojacade & Xaladooda oo laga deyrinayo

Reading Time: < 1 minute

Sida ay  sheegayaan ilo wareedyo ku sugan deegaanka Goojacade ee xarunta u ah ciidamada Qaranka Somaliland ayaa la soo sheegayaa in ay halkaa ku godoonsan yihiin maalmihii u danbeeyay iyaga oo ayan girin meel ay uga bixi karaan.

Ciidamada ayaa la sheegay in ay iska caabiyeen duulaano isdaba joga ah oo kaga yimid  Ciidanka Deeganaka ee SSC ee weerarka joogtada ah ku haya. Ciidanka  ayaan  halkaa dhana uga bixi kareyn ilamaa ay helaan taakuleyn kaga timaada Hargeysa.

Ciidanka qaar ka mid ah oo ay ku jiraan saraakiil oo la sheegay inay ku dhwaacmeen dagaaladii u danbaayay ayaa la sheegay in ay ku godoonsan yihiin, halka qaar ka mid ahina ay dhaawacii u geeriyoodeen.

Isku deyo ay sameeyeen ciidamada ayaa la sheegay in ay u soortoobi weyday in halkaa ay ka saaraan ciidanka dhaawacan oo hada u dhimanaya adeeg caafimaad la’aan.

Waxaana ilo wareedyadu sheegayaan in ciidamada Somaliland haatan qaateen go’aan kama danbeys ah oo ama ay wado ku furanyaan ama godoonkaa joogtada ah ku jiraan.

Ciidamada SSC oo ay u suurtoobi weydey qabsashada xerada Goojacade ayaa haatan qaatay goaanka godoominta ah, mana cada inta ciidamada Somaliland xaaladaa ku sii jiri karaan.