Ciidanka Puntland oo gacanta ku dhigay Markab xaalufin ka waday badda Soomaaliya

Reading Time: 2 minutes

Ciidanka  Badda ee Puntland ee marka la soo gaabiyo loo yaqaano PMPF  ayaa hawlgal qorshaysan oo ka sameeyeen xeebaha Soomaaliya ku  soo qabtay Markab kalluumeysi, kaas oo si sharci-darro ah uga jillaabanayay xeebta degmada Qandala ee Gobolka Bari.

Sarkaal ka tirsan Ciidanka Badda Puntland ee PMPF, oo lagu magacaabo Maxamed Axmed Cafiish, ayaa sheegay in markabka hawlgalka lagu qabtay uusan dowladda Puntland ka haysan wax rukhsad kalluumeysi ah.

Taliyaha ayaa sidoo kale   sheegay in markabka ay saaran yihiin 10 shaqaale ah oo ka kooban hal injinee, Kabtan iyo sideed qof oo kalluumeysato ah, inkastoo uusan faahfaahin ka bixin dalka ay ka socdan markabka iyo shaqaalaha saaran.

Ma aha markii ugu horeeysay ee lagu qabto xeebaha Soomaaliya Maraakiib si sharci daro ah uga kuluumeysanaysa xeebaha dalka  Soomaaliya, qaar kamida maraakiibtaa ayaa waxa ay lacaga laaluush ah ka qaataan qaar kamida wasiirada ku jira dowlada Federaalka.

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!