Ciidanka Puntland oo dhallinyaro ku toogtay bartamaha magaalada Boosaaso

Reading Time: < 1 minute

Sida ay xaqiijinayaan wararka laga helayo magaalada Boosaaso ee caasimadda ganacsiga Puntland, Ciidammo katirsan laamaha Amniga Puntland ayaa rasaas ku furay gaari ay saarnaayeen dhallinyaro walaalo ah oo marayay bartamaha Boosaaso.

Dhallinyarada ayaa lagu kala magacaabi jiray Fahad Yaasiin iyo Cabdirisaaq Yaasiin, oo ahaa walaalo, rasaasta ay fureen Ciidanka Puntland ayaa la sheegay inuu ku geeryooday Cabdirisaaq halka uu ku dhaawacmay Fahad.

Askarta rasaasta furay gaariga ayaa sida la xaqiijiyay kamid ahaa ilaalada Wasiirka Dekeddaha Puntland Axmed Yaasiin Saalax.

Dhacdadan naxdinta leh ayaa kusoo aadaysa xilli uu Boosaaso ku sugan yahay Madaxweynaha Puntland, Siciid Cabdullaahi Deni, kaas oo isna xiranayay maalmihii lasoo dhaafay waddooyinka muhiimka ah ee xarun ganacsiyeedka Puntland.

Ciidanka Puntland ayaa marar badan ku dilay magaalooyinka waa weyn, dhallinyaro gaadiid wata, waxaana sannadkii hore ciidanka ilaalada Madaxweynaha Puntland ay ku toogteen magaalada Garoowe Gabar dhallinyaro ah xilli ay galbinayeen Madaxweynaha oo dalxiis kasoo laabtay.