Ciidanka NISA oo xoog ku galay xarunta TV Cable, jirdilna u geystay shaqaalaha TV’ga

Reading Time: < 1 minute
Tirinta maalmaha uga harsan xafiiska Madaxweynaha Maxamed Farmaajo.

Wararka laga helayo magaalada Muqdisho ayaa sheegaya in ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya ee NISA ay caawa weerar ku galeen xarunta TV-ga Cable ee Muqdisho.

Ciidamada ayaa la sheegay inay xoog ku galeen xarunta Telefishanka, isla markaana ay jirdil u geysteen weriyeyaal iyo shaqaale ku sugnaa xaruntaasi, iyadoo aan la ogeyn sababta ay ciidamadaasi ugu duuleen xarunta warbaahinta.

Ilaa afar askari ayaa la sheegay inay gudaha u galeen xarunta TV-ga Somali Cable, waxayna gacanta ula tageen laba weriye iyo darawal ka tirsan shaqaalaha TV-ga Somali Cable ee magaalada Muqdisho.

Weerarkan waxaa cambaareeyay xogahaya ururka saxafiyiinta FESOJ Maxamed Ibraahim Macalimuu oo sheegay inuu falkan imaanayo iyadoo ay maanta uun ka hadleen xaaladda ay wajaheyso saxaafadda Soomaaliya.

Wararka kasoo baxay Telefishanka SOMALI CABLE ayaa lagu xaqiijiyey inay ciidamo ka tirsan NISA gudaha u galeen xarunta Telefishanka, ayna jirdil u geysteen weriye iyo cameraman.

“Caawa Abaarihii 9:00 fiidnimo ayaa waxaa ilaada Telefeshinka Somali Cable ay ka shakiyeen Dhalinayro fadhisay ilinka hore ee Xaruunta Telefeshinka ka dib ayaa waxaa dhacday in ay isku dhaceen dhalinyaridii iyo ilaalada Telefeshinka, waxaa goobta yimid oo gudaha Xaruunta soo galay Ciidamada Nabad Sugida ee dagan Godka Jilacow iyagoona jirdilay Weriye iyo Camera man ka tirsan Shaqaalaha Somali Cable.” Ayuu yiri mid ka mid ah maamulayaasha Cable TV oo MOL la hadlay,

“Hadaba Maamulka Telefeshinka Somali Cable waxa uu cadeynayaa in intaas wax ka baxsan aysan ka dhicin  Xaruunta Telefeshinka, Xaalkana hada waa daganyahay mana jiro wax dhibaato ah oo kale oo Telefeshinka xiligan ka taagan.” Ayuu ku daray hadalkiisa.

Waxaa caada iska noqotay maamulka MW Farmaajo in la jirdilo, la xiro xorriyatulqoolkana lagala dagaalama suxuufiyiinta ka howlgala magaalada Muqdisho.