Wararka ka imanaya Magaalada Muqdisho aya ku waramaya in Ciidanka Nabad Sugida ay joojiyen kulan caawa lagu waday in Hotelka Saxafi ee Magaalada Muqdisho lagu qabto.
Siyaasiga ayaa War uu soo dhigay Baraha uu ku leeyahay Bulshada waxa uu ku sheegay in markii ay kulankaas isku diayariyeen Maamulka hotelka Saxafi uu ku wargeliyay in Nabad-Sugida ku amartay in kulankaas aan lagu qaban Karin hoteelkooda.
Sidoo kale waxa uu sheegay Siyaasiga in falkaan uu jebinayo Dastuurka dalka,isaga oo dhaliil u jeediyay Madaxda dalka.
Baajinta Xafladan aya imanaysa xili cadaadis xoogan la saarayo siyaasiyinta ku dhaqan muqdisho iyo dadka ka aragtida duwan maamulka sare ee dalka iyado Muqdisho ay ka dhacan xaflado ay qabtan masuuliyinta Sare ee dalka kuwasi hotelada Muqdisho ay ka dhacaan