Wararka ka imaanaya magaalada kismaayo aya shegaya in ciidanka nabad sugida maamulka Jubbaland ay xalay weerar ku qaaden qaar ka mid ah masuuliyiinta maamulkaasi.
Ciidanka nabad sugida aya xalay weeraray hooy ay ku sugnayeen Xildhiban Axmed Cumar Taajir oo ka mid ah Xildhibaanada maamulka Jubbaland .
Xiliga weerarka uu dhacayay aya la shegay in hooyga xildhibaanka uu ku sugnaa Gudoomiyaha Magaalada Kismaayo Tima Jilac.
Ciidamada aya la shegay in xayiraad kooban ay saareen Xildhibanka Iyo Gudomiyaha,iyado rasaas laga maqlay hoyga xiligu weerarka uu dhacayay.
Hogaamiyaha maamulka Jubbaland Axmad Madoobe aya la shegay in uu cadaadis xoogan uu ku haayo xildhibaanada baarlamaanka maamulkaasi,iyadoo la shegay in uu ugoodiyay qaar ka mid ah xildhibaanada maamulkaasi.