Ciidanka Mareykanka oo u tagay Hiiraan dardar-gelinta dagaalka Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Saraakiil ka socota dowladda Mareykanka ayaa maanta gaaray degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane Taliyaha ciidanka Dib-u-xoreynta deegaanka Maxamed Cismaan Ganeey iyo madax kamid ah maamulka degmada Maxaas soodhaweyn ugu sameeyay saraakiishaasi ciidan.

Madaxda maamulka degmada Maxaas ayaa warbaahinta u sheegay in socdaalka saraakiisha Mareykanka uu ku qotomo dar-dar gelinta wajiga labaad ee howlgalka ka dhanka ah Al Shabaab.

Saraakiisha ciidanka Mareykanka ayaa ciidamada Dib-u-xoreynta deegaanka iyo kuwa dowladda maamulka degmada Maxaas iyo qeybaha bulshada degmadaasi ku ammaanay sida aay isaga dul qaadeen Al-Shabaab, iyaga oo u sheegay inay garab taagan yihiin.