Ciidanka koonfur Galbeed iyo Al-shabaab Oo ku dagaalamy degaano ka tirsan Gobiolka Baay

Reading Time: < 1 minute

Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya Dagaal xoogan oo udhaxeeyay dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab iyo Ciidamada Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya oo ka dhacay inta udhaxeysa Qansax-dheere iyo Diinsoor oo kawada tirsan gobolka Baay.

Xasan Xuseen Eelaay Wasiirka Amnniga Koonfur Galbeed iyo Saraakiil Ciidan ayaa maalmihii aynu ka soo gudubnay waxay wadeyn hawlgalo wado furis ah oo ay ka samenayen wadooyin isku xira Qansax-dheere iyo Diinsoor oo ay Al shabaab jareyn.

Ciiidamada Dowlada iyo Maamulka Koonfur Galbeed oo wada hawlgalo wado furus ah ayaa dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab waxay ku soo qadeyn weerar iyadoona halkaasi uu ka dhacay dagaal culus oo dhexmaray labada ciidan, waxaana la sheegaya inuu jiro qasaaro soo kala kaaray labada dhinac.

Dagaalka ayaa mid culus waxaana la isku adeegsaday hubka nuucaydiisa kala duwan, Saraakiisha ciidamada  dagaalka lagalay Al-shabaab ayaa shegay inay iska difaaceyn weerarka kaga yimi koo ka tirsan shabaab, waxayna xuseyn inay qasaaro farabadan gaarsiiyen.

Inta badan deeganada maamulka Koonfur Galbeed ayaa waxaa ka dhaca dagaalo udhaxeeya Ciidamada Dowlada iyo kuwa Koonfur Galbeed oo isku dhinac ah iyo dagaalyahano katirsan Al-shabaab waxaana ka dhasha qasaaro soo kala gaara labada dhinac iyo dadka shacabka ah ee kudhaqan gooba lagu dagaalamayo.