Ciidanka kenya oo xiray Gudoomiye Degmo (Aqriso)

Reading Time: < 1 minute

Gudoomiye Ku-xigeenka Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo ayaa beeniyay in uu u xiran yahay ciidanka Dowladda Kenya ee ku sugan degmadda.

Sahal Macalin Ibraahim oo la hadlay Warbaahinta ayaa sheegay in wararka arintaas la xiriira ay yihiin waxba kama jiraan,islamarkaana uu ku sugan yahay  Xarunta Degmadda.

Waxa uu sheegay in uu jirey iska hor imaad ka dhacay Gudaha Degmadda kaasi oo u dhaxeeyay Ciidamadda Kenya iyo kuwa Soomaalida,ayna ku dhaawacmeen ciidamo Soomaali ah.

Sidoo kale waxa uu sheegay in ciidamadda Kenya ay dhibaatooyin ay kawadaan Gudaha Degmada islamarkaana ay inta badan duqeeyaan goobaha shacabka ay ku sugan yihiin.

Ugu dambeyntii waxa uu sheegay Gudoomiye Ku-xigeenka Degmadda Ceel-waaq ee Gobolka Gedo in Degmadda uu ku sugnaa tan iyo 2011-kii,islamarkaana uu wali ku sugan yahay