Ciidanka Jubbaland oo heegan la galiyay iyadoo maanta ku egtahay diiwaan-galinta musharaxiinta

Reading Time: < 1 minute

Iyada oo ay maanta ku egtahay xiligii loo qabtay isdiiwaan galinta misharaxiinta ayaa Maamulka Jubbaland sheegay inay diyaariyeen ciidamo loogu tala galay in ka hortagaan falalka amni daro ee ka dhaca  Magaalada Kismaayo ee gobalka Jubbada Hoose.

Sida warar lagu kalsoon yahay sheegayaa ciidamada Jubbaland ayaan marnaba ogolaan doonin in musharaxiinta aan isdiiwaan galin ay fowdo galiyaan amaanka magaalada kismaanyo iyaga oo doonayo in doorashada soo socoto fashil ku dhamaato. Waxaana macquul ah in qaar ka mida mushariintaas laga masaafuriyo magaalada Kismanyo.

Saraakiisha ciidanka Jubbaland dayaa sheegay in sababta heeganka u geliyeen ciidamada Jubbaland ay tahay si loo adkeeyo amaanka Magaalada Kismaayo, xili lismaanyo ay doorasho ka dhici doonto afarta asbuuc ee soo socota.

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta & Isgaarsiinta Jubbaland  Eng, Cabdi Xuseen oo ka warbixinayay kulan ay yeesheen Golaha Wsiirada Maamulkaas ayaa sheegay in heegan la geliyay dhamaan Ciidamada kala duwna ee dowlad Goboleedka Jubbaland meel kasta oo ay joogaan si ay uga hortagaan falal uu sheegay inay maleegayaan cadawga Jubbaland.

Saraakiisha ayaa sidoo kale sheegay in ay diyaariyeen ciidamo gaar ah oo  Al-Shabaab kula dagaalama deegaano ka tirsan Gobalada Jubooyinka iyo gedo.