Ciidanka Jubbaland oo dardar galiyay weerarka ka dhanka ah Ururka Al Shabaab (Sawiro)

Ciidanka Jubbaland ayaa waxa uu dardargaliyay weerarka ka dhanka ah Kooxda AL Shabab ee ku sugan degaanka Jubbaland. Ciidamada  Jubbaland ayaa weerarkii ugi danbeeyay  waxa ay ku qaadeen deegaanka Kobon ee ku yaalo Gobolka Jubbada Hoose, halkaasi oo ay ku sugnaayeen Xarakada kooxda Al-shabaab.

Sida wariyaha MOL ee jubbaland uu soo warariyay waxaa halkaasi ka dhacay dagaal xooggan oo khasaare kala duwan geystay, iyadoo saraakiisha ciidanka dowladda ay guulo ka sheegteen weerarkaasi.

Taliyaha qeybta 43aad ee ciidanka xooga dalka General Cali Maxamed Maxamuud (Bogmadow) oo la hadlay warbaahinta dowladda ayaa sheegay in weerarkaasi uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana waxyeelo kusoo gaarsiiyeen xubno Al-shabaab ah.

Waxa uu taliyaha sheegay in ay ku qabsadeen hub badan, sidoo kalena ay fashiliyeen miinooyin dhulka ku aasnaa.

Al-shabaab dhankooda wax war ah lagama hayo oo ku aaddan dagaalkan, hase ahaatee ciidanka DFS iyo kuwa Jubbaland ayaa maalmahan dambe howlgallo ballaaran ka wadan deegaannada Jubbaland.

Halkaan hoose ka arag sawirada:

 

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here