Ciidanka Haramcad oo bannaanbax lagu taageerayo Farmaajo ku qabtay Beledweyne

Reading Time: < 1minute

Ciidankii Haramcad ee dhawaan la geeyay magaalada Beledweyne ayaa maanta bannaanbax Madaxweynaha waqtigiisa dhammaaday ee soomaaliya ku taageerayaan ku qabtay qeybo kamid ah Beledweyne.

Dowladda xilgaarsiinta ayaa ku sheegtay in la mamnuucay isku imaatinka shacabka Caabuqa Corona Viruska aawgiis, balse weli wax war ah kama aaysan soo saarin Bannaanbaxa lagu taageerayo Madaxweynaha muddo xileedkiisa Dhammaaday.

Askartaasi waxaa wehliyay carruur ah kuwa ka shaqeeya goobaha Qaadka lagu iibiyo, mamulka Hirshabelle ayaana bannaanbaxaasi soo abaabulay, waxa aayna taageero u muujiyeen Farmaajo.

Madaxweynaha Mudda xileedkiisa dhammaaday ee Farmaajo ayaa bilaabay in ciidanka Qaranka uu u adeegsado Olalaha Doorashada si uu markale kursiga ugu soo laabto,taasi oo Dastuurka dalka baal marsan.

Bulshada ree hiiraan ayaa wax jaceel ah u heyn Farmaajo madama uu dhisay maamulka Hirshabelle oo dadka ree hiiraan badankood weli diidanyihiin.