Ciidamo isugu jiray Booliis, Nabadsugid iyo kuwa Madaxtooyada DG Galmudug ayaa howlgal wadajir ah oo ay ka sameeyeen Magaalada Dhuusamareeb waxa ay kusoo qabteen Hub, Khamri iyo dad ku eedeysan isticmaalka walxaha maanka-dooriya.
Saraakiisha hoggaamineysay howlgalka ayaa Warbaahinta u sheegtay in kaddib markii ay heleen xogo la xiriira hubka sharci darrada iyo walxaha maanka-dooriya gaar ahaan Khamriga in Ciidanku ku dhaqaaqay howlgalkaan.
Goob ayaa la isugu geeyay Dadka lagu soo qabtay hubka oo qaar kamid ah ay soo bandhigeen Ciidamada wadajirka u fuliyay howlgalka waxaana la geeyay mid kamid ah talisyada baarista si baaritaan dheeraad ah loogu sameeyo.
Taliska Booliiska Dhuusamareeb ayaa sheegay in ay hayaan xogta Rag abaabulaya falal amniga liddi ku ah balse laga hortagi doono, Shacabka waxa uu ka dalbaday in ay kala shaqeeyaan helista macluumaad intaas ka badan.
Dhuusamareeb waxaa dhowr jeer ka dhacay dilal iyo dhac loo geystay qaar kamid ah Shacabka Magaalada, Ciidamo Booliis, Nabadsugid iyo kuwa Madaxtooyada Galmudug ah ayaa kordhiyay howlgallada lagu xoojinayo nabadgalyada.
Waxaa la kordhiyay Baraha lagu hubiyo Gaadiidka ee ku yaalla Xaafadaha Dhuusamareeb, Ciidamada ammaanka ayaa baaris ku sameeya Gawaarida iyo Dadka la socda si loola socdo dhaqdhaqaaqa magaalada.