Ciidanka gadoodsan oo Muqadishu ku soo fool leh iyo cabsi ka jirta Villa Soomaaliya (dhageyso)

Reading Time: < 1 minute

Waareysi uu xalay siixeey sarkaal ka mida saraakiisha hogaamineysa ciidanka gadoodka ah Idaacada Kulmiye ee Magaalada Muqadishu ayaa  sheegay in ay Dowladda uga baxday ballanqaadkii aheyd in ay heli doonaan mushaarkii ka maqnaa mudada afarta bil.

Ciidanka ayaa sheegay in Wasiiradii lagu soo xulay qaabka qabiil ee u yimid ay taleefanada ka dansadeen oo ay ugu muuqato in balantii looga baxay. Ciidamadaan oo ku hubeysan hubka noocyadiisa kala duwan  ayaa dhawaan isaga soo baxay Fariisimihii ay ku lahaayeen qeybo badan oo kamid ah Shabeelada Dhexe.

Hadii Dowladu ku guuldaraysato in ay bixiso xaqii ciidanka ku lahaa dowlada, waxaa aad looga cabsi qabaan in ay xoog ku soo galaan magaalada Muqadishu.

Sarkaal la hadlayc ciidanka o ayaa sheegay in shalay ay ku ekeyd waqtigii ay ku heshiiyeen in DF-ka Soomaaliya ay bixiso mushaarka ciidamada ilaa hadana aysan ka helin wax jawaab ah iyo Xuquuqda ciidamada midna.

Ciidamadaan ayaa ku dhawaaqay hadda inay soo geli doonaan Magaalada Muqdisho ee Caasimadda Soomaaliya si ay u helaan xuquuqdii ay Dowladda ku lahaayeen.

Sarkaalkaan ayaa ku hanjabay inay Muqdisho soo  geli doonaan isla markaasna ay arki doonaan madaxda dowladda ugu sareeyo inay Mukeef kusii raaxeystaan.

Sidoo kale waxay sheegayn in Ciidankaan la diiwaan geliyay 4 bil ka hor ilaa hadana ay ka maqantahay Xuquuqdooda.

Saraakiisha hoggaaminayo ciidamaan ayaa Dowladda ugu baaqay inay ballanta ilaaliso isla markaasna ay xuquuqda siiso maadaama ay sheegeyn inaysan aqbali karin in xuquuqdooda la iska heysto.

Halkaan hoose ka dhageyso Wareysiga uu Sarkaalkaan bixiyey