Ciidanka Dowladda oo toogasho ku dilay Gabar dhaqtar ka aheyd Digfeer

Reading Time: < 1 minute

Maamulka Isbitaalka Digfeer ayaa shaaciyey in haweeney ka tirsaneyd shaqaalaha Caafimaadka ee Isbitaalkaasi maanta lagu dilay magaalada Muqdisho.

Wararka ayaa sheegaya in Sacdiya Cabdi Yuusuf ay haleeshay rasaas ay fureen ciidamada dowladda oo wadadda furanayey xilli ay la socotay Mooto-Bajaaj, waxayna u geeriyooday rasaastii ku dhacday.

Marxuumad Sacdiya waxay hore uga shaqeysay qeybta Gargaarka Degdegga ah ee isbitaalka Digfeer, waxayna hadda ka howlgaleysay qeybta qalliinka guud iyo qeybta qaliinka lafaha. Meydkeedka ayaa la geeyay isbitaalkii ay ka shaqeyneysay.

Eehelkeeda ayaa laga soo xigtay inay Marxuumad Sacdiya Cabdi Yuusuf mar dhow ka baxday umul, ayna nuujinaysay cunug seddax bil jir ahaa.

Qoraal kasoo baxay maamulka Isbitalka Digfer ayaa lagu yiri: “Maamulka iyo Shaqaalaha Isbitaalka waxay tacsi tiiraanyo leh u dirayaan ehelada iyo qaraabada Sacdiyo Abdi Yusuf oo ka mid ahayd shaqaalaha Isbitaalka oo maanta lagu dilay magaalada Muqdisho. Waxaan Marxuumada Allah uga baryeeynaa inuu jannadii Fardowso ka waraabiyo ehelkeedana samir iyo iimaan ka siiyo”.

Ciidamada dowladda ayaa dad badan oo shacab ah ku laayey jid furasho iyo rasaas ay ku furtaan wadooyinka mashquulka ah, iyadoo inta sharciga la horgeeyay kooban yihiin.