Ciidanka Dowladda & Ahlu Sunna oo isku hor fadhiya Dhuusamareeb

Reading Time: < 1 minute

Ciidamo uu wato taliyaha ciidanka xooga dalka qeybta 21aad oo caawa gudaha u galay Dhuusamareeb ayaa keenay xiisad kacsan

Ciidamadan uu wato Qooje Dagaari oo ah taliyaha cusub ee ciidanka 21aad ayaa caawa galay magaalada Dhuusamareeb waxaana ciidankan diidan xoogaga Ahlu Sunna

Wararka ayaa sheegaya in ciidamada Ahlu Sunna ay caawa dhaq dhaqaaqyo ka wadaan magaalada Dhuusamareeb

Ahlu Sunna ayaa diidan in ciidamada dowlada ay galaan Dhuusamareeb marka laga reebo ciidamada la isku dhafay

Dowlada dhexe ayaa dooneysa in Dhuusamareeb geliso ciidamo farabadan si meesha looga saaro awooda Ahlu Sunna hase yeeshee Ahlu Sunna ayaa wada qorshe ay ku dooneysa in markale gacanta ugu soo celiso magaalada Dhuusamareeb oo haatan si isku dhaf ah loo sugo amnigeeda