Ciidanka Dowlada oo Ruux Shacab Ahaa Ku Toogtay Magaalada Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Muqdisho aya shegaya in Askari ka tirsan Ciidanka dowlada uu qof shacab ah ku toogtay isgoyska Jaale Siyaad ee Wadada Warshadaha ee Muqdisho.

Askariga dilka geystay ayaa isku dayay in uu baxsado laakiin Ciidamada Xooga ayaa gacanta ku dhigay Askarigii waxaana hadda ay ku sugan yihiin Askarigii dilka geystay iyo meydka qofkii Shacbka ahaa Xarunta dambi baarista ee CID-da.

Wararka ayaa sheegaya in dilkaan uu dhacay kadib markii gaari Hoomey ah uu istaagay afaafka hore ee xarun halkaasi ay ku lahaayeen Ciidamada Xooga oo Askarigaan dilka geytay uu ka tirsanay, isla markaana ay Ciidamada ay rasaas ay ku fureen gaarigaas, waxaana rasaasta ay haleeshay mid ka mid ah dadka halkaasi ka ag dhawaa.

Saraakiisha Ciidamada amaanka ayaa wali ka hadlin dhacdadaan, iyadoona maalmahaan dambe uu soo badanayay dhibaatooyinka ay geysanayaan Ciidamada ka tirsan Dowlada Soomaaliya.