Sida ay ino shegayan Dadka deeganka waxa Dagaal u dhaxeeya Ciidamo kawada tirsan Dowladda Soomaaliya oo u abaabulan qaab qabiil uu haatan ka socdaa dhabarka dambe Jaamacadda Gaheyr Degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho.
Dagaalkaan ayaa la sheegay in isku adeegsanayo hubka noocyadiisa islamarkaana dadkii ku sugnaa Xaafadda ay gabi-ahaanba isaga qaxeyn.
Wararka ayaa sheegaya in dagaalka uu ka dhashay dhul la isku haysto, islamarkaana Ciidamo kala taageersan dhinacyada dhulka isku haysto ay goobta soo gaareen islamarkaana dagaalka sidaas uu ku qarxay.
Ilaa haatan si dhab ah looma oga khasaaraha ka dhashay dagaalka haatan ka socda Dhabarka dambe Jaamacadda Gaheyr Degmadda Hodan ee magaaladda Muqdisho.