Ciidanka dowlada iyo kuwa deegaanka oo la wareegay Ceeljuqow & Budbud

Reading Time: 2 minutes

Ciidanka xoogga dalka ee ku sugan  deegano ka tirsan Gobolka Galgaduud ayaa gudaha u galay deegaano hor leh oo kooxda Al-Shabaab ay sanado badan maamuleysay.

Ciidanka dowlada oo kaalmeysanaya kuwa macaawisleyda ayaa xalay iyo caawa ku hoyana degaanka Ceeljuqow ee gobolka Galgaduud, halkaas oo maanta ay isaga carareen kooxdii Al Shabaab ee  ku sugnaa degaankaas mudo ka badan 15 sano. 

Ceeljuqow ayaa dhanka waqooyi ka xiga degmada Galcad Waxaana Maalmihii la soo Dhaafay ku sugnaa halkaa Amiin Kabakutude oo ah waali Gobalka Shabeelada Dhexe. Waxa uu Al Shabaab u qaabilsanaa dhanka deeganada hoos yimaada Gobolkaas,

Wararka ka imanaata Galgaduud ayaa sidoo kale sheegaya in ciidanka sii mareen degaan kale oo muhiim ah oo lagu magacaabo Butbut, kaas oo Al-Shabaab ay baneeyeen inta aysan gaarin ciidamada duulaanka ah.

Saraakiisha hoggaamineysa ciidanka shalay gudaha u galay degaanka istaraatiijiga ah ee Ceeljuqow ayaa warbaahinta u sheegay inay gacanta ku dhigeen 3-gaari oo kooxda Al-Shabaab ay ka carartay.

Gaadiidkaan oo looga dabategay dhulka howdka ah ee deegaanka Ceeljuqow oo kooxdu ay uga carartay ayaa dadka deegaankaas waxay sheegeen inay Al Shabaab lahaayeen, waxayna saraakiishu sheegeen in sababta ay gaadiidkaan uga carareen ay tahay baqdin ay ka qabaan in la duqeeyo.

Dhinaca kale Taliyaha ciidanka xoogga dalka Jenaraal Odawaa Yuusuf Raage iyo guddoomiyaha degmada Maxaas Muumin Maxamed Xalane ayaa maanta kormeer dhiiri-gelin ah ugu tegay cutubyo ka tirsan guutada 5-aad, qeybta 27-aad ee ciidanka xoogga dalka oo ku sugan degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Jeneraal Odowaa Yuusuf Raage ayaa ciidanka ku amaanay sida ay kooxda Al-Shabaab uga dulqaadeen dhibkii ay shacabka Soomaliyeed ku hayeen, mudadii 15-sano aheyd.

Taliye Odawaa iyo guddoomiyaha Maxaas ayaa ciidankii ayaa ciidanka u gudbiyey fariinta dowladda ee dagaalka la qorsheynayo dhamaan gobollada dhexe looga saaro Al-Shabaab.

Taliyaha guutada 4-aad ee qeybta 27-aad Korneyl Saney Cabdulle ayaa taliyaha iyo guddoomiyaha ku wehliyey kormeerkaan, waxayna u khudbeeyeen boqolaal ciidanka xoogga iyo kuwa is abaabulay ee deegaanka ah oo loo yaqaano Macawiisley.