Ciidanka DG Koonfur Galbeed oo gacanta ku dhigay dad ka tirsan Al Shabaab

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka hay’ada Nabadsugidda iyo Sirdoonka Koonfur Galbeed Soomaaliya ayaa xalay howgal qorsheysan ka sameeya xaafado ka tirsan magaalada Baydhaba.Hawlgalkan ayaa laga sameeyay Xaafadaha Bardaale, Isha iyo Wadajir, waxaana lagu soo qabtay dad lala xiriirinayo kooxaha Al-shabaab.

Wararka aanu ka helnay Baydahbo ayaa sheegaya in dhammaan shakhsiyaadka lagu qabtay hawlgalkan ay baaris ku wadaan laamaha Sirdoonka Koonfur Galbeed. Dowlad Goboleedka Koonfur Galbeed ayaa walwal ka qabta inay deegaanadooda ay soo gaareen Al Shabaab firxad ka ah  daalka ka ka dhanka ah Al Shabaab e ka socda deegaanada Hiiraan iyo Shabeellada Dhexe.