Ciidanka DFS oo wiil dhalinyaro ah ku toogtay magaalada Baraawe

Reading Time: < 1 minute

Wararka ka imaanaya magaalada  Baraawe ayaa sheegaya in askari katirsan Ciidamada Booliska uu degmadaasi ku dilay Allaha u naxriistee Maxamed Keniya oo kamid ahaa dhalinyarada Magaalada Baraawe ee gobolka shabeellaha hoose.

Dilka ayaa waxaa uu ka dhacay xaafadda Baqdaad oo kamid ah xaafadaha Magaalada Baraawe kadib markii uu muran dhex maray Askariga iyo Wiilka dhalinyarada ah, isla markaana Askariga dilka geystay uu xiligaasi soo isticmaalayay waxyaabaha maanka dooriya.

Goobjoogayaal ayaa u sheegay warbaahinta in askari dilla geystay uu goobta ka baxsaday. Ma jiraan weli wax war ah oo ka soo baxay laamaha ammaanka degmada Baraawe.