Ciidamada xooga dalka ee ku sugan gobolka Shabeelada Hoose ayaa sheegtay in ay gacanka ku dhigay dagaalameyaal ka tirsan Al-shabaab kadab howlgalo ay ka sameeyeen degaano hoostaga gobolkaas.
Ciidanka ayaa sheegtay in howlgalka qabteen awgood ay gacanta kusoo dhigeen Madaxii howlgelinta Al-Shabaab ee u qaabilsanaa gobolka shabeelada Hoose,. kaas oo lagu magacaabo Cali Maxamed Aadan. Ciidamada xoogga ayaa howlgalka si gaar ah ugu fuliyay deegaan lagu magacaabo Janaale oo ka tirsan Gobolka Shabeellada Hoose.
Dhanka kale ciidamada xoogga ayaa howlgal qorsheysan waxaa ay ka fuliyeen deegaano hoostaga degmada Awdhiigle ee gobolka shabeellada hoose. Howlgalka ayaa lagu qabtay seddex xubnood oo ka tirsan Al-shabaab, kuwaasi oo lagu eedeeyay in ay hoobiyeyaal ku garaaceen degmada Awdhiigle.