Ciidanka DF oo la wareegay magaalada qadiimka ee Galcad, G/Galgaduud

Reading Time: < 1 minute

Magaalada Galcad ee gobolka Galgaduud oo ah magaalo Istiraatiiji ah ayaa saaka laga xoreeyay Khawaarijta waxaana dadkeedu ay helayaan neecowda dowladnimada. Wasiirka Difaaca dowladda Soomaaliya ayaa Warbaahinta Qaranka u xaqiijiyay in Galcad ay soo gashay gacanta dowladda.

Sidoo kale ciidamada dowladda ayaa la filayaa iney la wareegaan Xarardheere halkaas oo ah meesha ugu dambeysa ee Shabaab kaga sugnaan karaa Mudug. Ciidamada dowladda ayaa guulo is daba joog ah ka gaarayay kooxda khawaarijta Shabaab bilooyinkii ugu dambeysay.