Ciidanka Deegaanka Muqdisho ee shaqada ka-maqan oo amar la-duldhigay

Reading Time: < 1 minute

Taliyaha ciidanka ilaalada deegaanka Xamar G/Sare Maxamed Carabow oo shir jaraa’id qabtay ayaa go’aan culus ku soo rogay ciidanka uu xukumo ee ilaalada deegaanka Xamar.

Taliyaha ayaa sheegay in xiligaan ay taagan yihiin xaalado kala duwan oo loo baahan yahay in xalkooda la helo, wuxuuna ugu horeyn fartiin u diray ciidanka ka maqan shaqdooda.

Taliye Maxamed Carabow ayaa 6 maalood u qabtay ciidanka ka maqan shaqadooda ee taliska ka tirsan, isagoo shaaciyey ciqaabta uu mari doono askarigii ka dhega adeyga amarkaan.

Xaadirinta ciidanka maqan oo shalay soo bilaabatay ayaa ku eg 8-da bishaan, “Askarigii waqigaas aan ku qabtay ku soo shaqo geli waaya, waxaa laga qaadayaa tallaabo sharciga  waafaqsan.

Sidoo kale Taliyaha ayaa ciidanka ka shaqeeya canshuur qaadis wuxuu faray inay u dhimriyaan shacabka, isagoo uga digay dacwo ay kaga timaado shacabka.

Sidoo kale askarta aan diriiskooda xiraneyn ayuu aad u canaantay, isagoo sheegay in askari kasta ah dowladdu siisay hub iyo dariis, balse qofka asaga laga rabo inuu is dayactiro.

“Nin kasta waxaa laga rabaa inuu is qurxiyo sharafta dowladdana uu ilaaliyo, waxaan rabnaa in askarigu uu dadka si karaamo leh ula shaqeeyo,” ayuu yiri sarkaalkaan xukuma ciidanka soo uruuriyaha canshuuraha.

Ugu dambeyntii taliyaha ayaa kala cadeeyey cidda awooda u leh inay bixiso darajooyinka ciidanka ilaalada deegaanka Xamar oo hoos taga maamulka gobolka Banaadir.

Wuxuu sheegay in duqa Muqdisho uu askariga soo gaarsii karo ilaa kormeere seddaax, balse wuxuu ka sareeya uu biyo madaxweynaha dalka, iyadoo duqa Muqdisho uu xaq u leeyahay inuu gudbiyo warbixinta sarkaalka la dalacsiinayo.