Shir degdeg ah ayaa waxaa uu hadda ka socdaa sidii ciidanka Nabad ilaalinta Burundi oo ka tirsan AMISOM looga sari lahaa degaannada HIrShabeelle. Qorshahaan waxaa isla wada la taliyaha Madaxweynaha Cabdisiciid Cali oo u muuqda inuu yahay taliyaha sare ee ciidamada Xoogga dalka Spmaliyeed iyo Jamaal M Xasan oo isna ah wasiir qorsheynta laakiin ah wasiir wasaarad waliba inuu matalo u haysata awood iyo fasax oo arrintaan ku matalaya inuu yahay wasiirka Gaashaandhigga. Waxaana arrinkaan kala shaqeynaya kooxdii tugada ahayd eek u jirtay IGAD iyo AU oo hadda ku soo biiray taliyaha cusub ee AMISOM ee Amxaaeka ah.
Sababta ciidamada Burundi looga saarayo HirShabeelle waxay tahay:
- In marka ciidankaan nabad ilaalinta Burundi laga saaro dhulkaas inay shebaabka weeraro ku soo qaadaan degaanadaas halkaasina uu ka dhaco khasaare naf iyo maalba leh, kadibna uu weheliyo qax iyo barakac ballaaran oo ay dadka degaanka sameeyaan.
- Marka intaas ay dhacdo waxay dowladdu codsan doontaa in AMISOM ay wax ka qabato arrintaas kaalmana ka geysato, kadibna halkaas uu taliyaha cusub ee AMISOM ee Amxaarka ah uu amar ku bixiyo in ciidanka Itoobiya iyo kuwa Ereteriya si degdeg ah ballaarin loogu sameeyo si loo sugo ammaanka degaankaas.
Hasa yeeshee MW Farmajo, RW Kheyre, Fahad, Cabdisaciid Cali, Jamaal, Itoobiya iyo Erateriya danta ay ka leeyihiin waxay tahay maadaama cabsi badan laga qabo in ciidankaas toos Xamar loo keeno, kadib markii ay MOL ka sameysay baraarujin badan in si kale loogu soo dhaweeyo Xamar. Ciidankaas Itoobiyanka u badan oo la wada xusuusto wixii ay Xamar ka geysteen 2006 inay soo fadhiistaan guutooyinkooda aadka u hubeysan Ceel Cirfiid iyo Qorilow oo labadaba ka tirsan Hirshabeelle. Taasina waxay fursad u siineysaa inay saacad ka yar Xamar ku soo gali karaan waxa ay rabanna ay ka fulin karaan.
Arrinkaan ayaa la shegayaa inaan lagala tashan taliayayaasha ciidamada Dalka marka laga reebo AG ku xigeenka hay’adda aan agaasime lahayn, NISA oo ay isaga ka fulaan ammarada iy howlgaalo kharbudaadda ah Fahad Yasiin.
Shirkaan Adis Abeba ka socda ayaa ah mid khater weyn ay ka soo socoto, iyadoo maalin walba khidad kharbudaad iyo mu’aamarado cabsi leh ay kooxdaan burcadka ajnabi iyo Somaliba leh ay diyaarinayaan.
MOL waxay horay u soo qortay baaris dheer oo ay ka sameysay inay jiran kooxo isku jira oo waday qorashooyin halis ku ah dalkaan , walina wada inay IGAD iyo AU-da ka mid yihiin. Halkaan ka akhriso.
Dalalka Yurub iyo dhammaan hay’adaha caalamiga ayaa waxay hadda sugeen inay Farmajo iyo Kheyre ay isu dhiibeen Itoobiya iyo Erateriya iyagoo ka go’ay cidkasta oo kale una haysta inay dalkaan labadaas xoog ugu hayn karaan, waana talo raqiis iyo doqnima ha.
Xaraashka dhinac kasta ah ee dalka waa khaterta ugu weyn ee ay adkaan doonto sidii looga soo kabtaa sannado badan.