Ciidanka Booliska oo weeraray guriga Sargaal Caan ah (Aqriso)

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari ayaa waxa ay sheegayaan in Ciidanka Ammaanka maamulka Puntland maanta ay weerar ku qaadeen guriga Sarkaal ka tirsan Ciidanka Puntland.

Ciidanka maamulka Puntland ayaa hareeyay guriga taliye ku xigeenkii hore ee Booliiska gobolka Bari G/dhexe Axmed Abshir Axmed Jaraale kadib markii uu diiday in uu wareejiyo hub dowladdu leedadahay.

Iska horimaad kooban ayaa dhexmaray Ciidanka Booliska iyo Ilaaladdii taliye ku xigeenka, waxaana ka dhashay Khasaare sidda ay xaqiijiyeen dadka degaanka.

Mas’uuliyiin ka tirsan maamulka Puntland ayaa tagay  goobta waxa kamid ah wasiirka Amniga Puntland Cabdisamad Maxamed Gallan taliyah Booliiska Puntland S/Gaas Muxiyadiin Axmed Muuse iyo wasiirkii hore Amniga Puntland Gen Cabdullaahi Siciid Samatar kuwaasi oo ku guulaystay in la joojiyo dagaal halkaasi ka socday.

LEAVE A REPLY

Please enter your comment!
Please enter your name here