Ciidanka Booliska oo soo qabtay ninkii dilay Suleeqa Yusuf

Reading Time: < 1 minute

Ciidamada Booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay gacanta ku dhigeen Nin ku eedeysan in uu Haweeney kufsaday kaddibna ku dilay Hotel uu ka degganaa Magaalada Muqdisho.

Taliye ku xigeenka Booliska Soomaaliya Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in Ciidamada amaanka ay qabteen Bishaar C/Risaaq Maxamed oo falkan ku eedeysan.

Bishaar ayaa lagu eedeeyay in uu kufsaday islamarkaana hotelka ku dhexdilay Suleeqa Yuusuf Axmed.

Ninkan ayaa laga soo qabtay Hotel ku yaalla Xaafadda Baar Ubax ee Degmada Howlwadaag halkaas oo uu gabadha ku dilay.

Zakiya Xuseen ayaa sheegtay in eedeysanaha uu hadda gacanta ugu jiro hay’adda dambi baarista ee Soomaaliya halkaasna baaritaan lagula sameynayo.

Dilka Suleeqa ayaa hadal heyn badan ka dhex abuuray bulshada Muqdisho,waxaana Ciidamada amaanka ay hadda xaqiijiyeen in ay gacanta ku dhigeen eedeysanaha.