Ciidanka Booliska oo Muqdisho ku gubay Muqaadaraad & Maandooriyayaal

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Booliska Soomaaliya oo magaalada Muqdisho ku gubay waxyaabaha Muqaadaraadka oo lagu soo qabtay howlgal ay ciidanka ka sameyeen qaar kamida xaafadaha magaalada Muqdisho.

Waxyaabaha la gubay ayaa ka koobnaa Xashiish calaq iyo cirbado sidoo kale waxaa la soo bandhigay illaa 4 ruux oo ku eedeysan ka ganacsiga Maandooriyaha.

Booliska oo arintaan ka hadlay ayaa sheegay in dilalka iyo kufsiga ka dhaca Muqdisho ay sabab u yihiin isticmaalka Drugska, sidoo kalena dhallinyarada ciyaal weerada ay si darran u isticmaalaan.

Kooxda Al Shabaab ayaa horay u sheegtay in ay la dagaalayaan maandooriyayaasha iyo dadka ka ganacsada ama isticmaala.