Ciidanka Booliska Muqdisho oo qabtay nin gaari kuwaday meydka ilmo yar

Reading Time: < 1 minute

Taliska ciidanka qeybta guud ee Booliska Gobolka Banaadir ayaa shaaciyay inay gacanta ku dhigeen Nin gaari ku waday meydka Canug oo lagu qabtay agaagarka Isbitaalka Digfeer ee ku yaalla magaalada caasimadda ah ee Muqdisho.

Taliska Booliska oo Qoraal soo saaray ayaa sheegay in dad ku sugnaa degmada Hodan gaar ahaan waaxda Octoober ay ciidanka Booliska kusoo wargeliyeen in gaari nooca raaxada oo yaalla meel ku dhow Digfeer uu ku dhex jiro ilmo yar oo korlooga xiray.

Booliska ayaa tilmaamay in markiiba ay goobta gaareen, isla markaana gaariga dhexdiisa ugu tageen meydka canug yar oo gaariga ku jiray, iyagoona intaas kadib xusay inay bilaabeen raadinta ninkii watay gaariga oo markii dambe gacanta ku dhigeen.

“Muwaadiniin ku sugan  Degmada Hodan gaar ahaan waaxda Octobar, agaagarka Isbilaatka Rayib Racep Ordogan (ex-digfeer) la soo wadaageen Ciidanka Qeybta Guud ee Boliiska Gobolka Banadir, la soo wadaagay gaari baakin ku jira oo ilmo yar korlooga xiray, halkaas oo gurmad ay ciidanku ku tageen ayaa goobta kula kulmay  ilmaha yar oo meyd ah, kuna dhex jira gaariga” ayaa lagu yiri Qoraalka Booliska Gobolka.

Gaba-gabadii laamaha amniga ayaa tibaaxay in eedaysanihii watay gaariga la xiray , isla markaana ay ku socdaan baaritaano kala duwan, si dhacdadaas baaris loogu sameeyo kadibna cadaalada loo waafajiyo. Booliska faah faahin intaas ka badan ma aysan bixin.

Si kastaba, ha’ahaatee dhacdooyinka la xiriira dhibaatooyinka loo gaysto carruurta yaryar, sida afduubka iyo dilka foosha xun ayaa muddooyinkii ugu dambeeyay kusoo badanayay qeybo kamid ah degmooyinka magaalada Muqdisho.