Ciidanka Booliiska Gobolka Nugaal ayaa xalay hawlgal qorshaysan ka fuliyay xaafado ka tirsan Garoowe. Wararka ayaa sheegaya in hawgalkan uu ahaa mid ka dhan ah kooxaha ka ganacsada maandooriyaha Khamriga.
” Sidaan u qorshaynay ayuu u fulay hawlgalkii xalay waxaana gacanta lagu dhigay ciddii la doonayay” ayuu yiri sarkaal ka tirsan Booliiska. Booliiska Puntland ayaa muddooyinkii danbe magaooyinka waaweyn ka waday hawlgalka la-dagaallanka maandooriyaha Khamriga.