Ciidanka Booliiska oo qof hubaysan ku toogtay Ex Control Balcad

Reading Time: < 1 minute

Sida ay sheegayaan wararka naga soo gaaray duleedka magaalada Muqadisho Booliska gobolka Banaadir ayaa Ex Control Balcad ku toogtay nin ku hubeysanaa qori Ak-47, kaasi oo isku dayay in uu weerar ka geysto dhismaha waddada xariirisa Muqdisho iyo Balcad ee Gobollada Banaadir iyo Shabeelada Dhexe.

Dhanka kale saraakiil ka tirsan booliska Soomaaliya ayaa sheegay in ay ka hortageen weerar uu damacsanaa ninka ay toogteen, iyagooa shaaca ka qaaday in ninka la dilay uu ka tirsanaa dagaalameyaasha Al-shabaab.

Waxaa Sido kale Ciidanka ninkaan ay ka qaadeen boorso uu watay , taasi oo la tuhunsan yahay in ay ku jiraan walxaha qarxa, waxaana hada baaraya Ciidanka booliska gobolka Banaadir

Facebook Notice for EU! You need to login to view and post FB Comments!