Taliska ATMIS ee lagu baddelay howlgalkii AMISOM ayaa billaabay howlgallo Amni xaqiijin ah oo ay kawadaan Xerada Xalane iyo waddooyinka loo maro ee dhanka Garoonka Diyaaradaha Aadan Cadde ee Magaalada Muqdisho.
Saraakiisha ATMIS ayaa sheegay in howlgalkaan uu yahay mid lagu xaqiijinayo nabadgalyada Xerada Xalane, waxaa lagu baarayaa Gaadiidka noocyadiisa kala duwan ee sida joogta ah u taga xeradaan.
Xerada Xalane waxa ay xarunta u tahay taliska ugu weyn ee Howlgalka Midowga Afrika, kan Qaramada Midoobay, Hay’ado kala duwan iyo Safaarado waxaana ka socda howlgallo lagu hubinayo Gaadiidka iyo Dadka joogtada u taga.
10ka ilaa 16ka April 2022 ayuu soconayaa howlgalkaan sida ay xaqiijiyeen mas’uuliyiin katirsan Taliska ATMIS, waxaa si feejigan loola soconayaa dhaqdhaqaaqa gudaha Xerada Xalane iyo baraha muhiimka ah ee laga ilaaliyo.
23kii Maarso 2022, Koox hubeysan oo weerartay Xarumo shaqo, Maamul & Nabadgalyo oo ku yaalla Garoonka Aadan Cadde, Al-Shabaab oo sheegatay mas’uuliyadda weerarkaas ayaa sheegay in ay dagaalamayaal katirsan ay gudaha u galeen Xerada Xalane.