Ciidanka Amniga oo xalay howlgalo ka sameeyay qaybo kamida Muqdisho

Reading Time: < 1 minute

Ciidanka Amniga oo u socda raxan raxan  ayaa xalay Howlgallo ka sameeyeen qaybo ka mid ah degmooyinka Muqdisho, waxaana si gaar ah ay xalay howlgaladaasi uga dheceen Degmooyinka Wartanabadda iyo Degmada Hodan ee Gobolkani Banaadir.

Ciidanka Amniga ayaa lagu arkaayay  Degmadda Wartanabadda, waxaa sidoo kale  arkayay Ciidanka oo guri-guri u baaraya guryo ku yaalla Degmada, dad goobjoogayaal ah ayaa waxaa ay sheegen in ay arkayeen Ciidankaa oo dhowr guri oo ku yaalla Wartanabadda kasameynaya Baaritaanno.  Ciidanka ayaa baaritaanno ku sameynayay dadka degaanka, gaar ahaan waxaa ay baarayeen dhalinyarada iyo guud ahaan dadka soconayay waddooyinka, waxaana goobjoogayaal ay intaas ku dareen in ay arkayeen Ciidanka oo dadka su’aalo weydiinaya.

Waxaa sidoo kale  howgalo ay ka sameeyay Degmada Hodan ee Gobolkaani Banaadir, waxaana la arkayay dhalinyaro badan oo lagu soo qabtay intii uu socday howlgalku, waxaana la sheegay in Qorshaha howlgalkaasi uu ahaa mid lagu baacsanayay kooxa dhaca u gaysta dadka shacabka ah ee degmada Hodan.

Xaalada Amaanka magaalada Muqdisho ayaa maalmihii la soo dhaafay ka sii dareeysay, iyada oo magalaada Muqdisho ay ka dhaceen qaraxyo dad shacab ah ku dhinteen